Iska iloow Paul Pogba – Man Utd oo soo iibsan doonta BOQOL milyanle kale

0
871

Paul Pogba ayaa ah xiddiga ugu qaalisan ee suuqa kala iibsiga lala soo wareega kaasoo £89-Pound ugu soo dhaqaaqay kooxda Manchester United, inkastoo haatan la shaacinayo United in ay dooneyso mar kale in ay lacago badan ay ku qarash gareyso suuqa kala iibsiga si ay ula soo wareegto Romelu Lukaku balse Chelsea ayaa dooneysa in xiddigan ay dib ugu soo celiso Stamford Bridge.

Lukaku ayaa lagu qarash gareen doonaa 100 milyan oo ginni, kaasoo kaga dhaqaaqi doono kooxda Everton haddii ay ogolaadaan kooxaha xiddigan doonaya wuxuuna diidan yahay inuu qandaraaska u dheereeyo Everton.

Chelsea ayaa ah kooxda sida weyn u dooneyso xiddigan taasoo looga cabsi qabo in ay si lama filaan ah ula wareegto, Blues ayaa damacsan Costa in ay badal uga dhigto xiddigan weerarka Belgium kaga ciyaara balse waxaa ay tartan adag la gali doontaa kooxda United taasoo iyadane dooneyso in ay lasoo wareegto weeraryahankan.

Chelsea ayaa 28 milyan oo ginni isaga fasaxday weeraryahanka reer Belgium ee Lukaku halka Pogba uu si bilaash ugu dhaqaaqay kooxda Juventus xiligii uu Conte kooxda reer Seria A uu hogaaminayey.

Waxaa xaqiiqo ah 19-ka mid ah 24-ka gool uu horyaalka dhaliyey in xidigan ay ku qaadatay 11-ka kulan ee ugu horeeyay, waxaasa koox walba ay is weydiisay xidigan waxa uu ka sameynayo horyaalka premier league kaasoo si lama filaan ah kula wareegay hogaanka gool dhalinta horyaalka premier league.

Waxaase baadi goobka xidigan dib usii huriyey in uu ahaa xidiga kaliya golasha u dhalinayey xulka Belgium tartankii Euro 2016 kasoo ahaa xidigii ugu goolasha badanaa xulka qaranka Belgium.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan