Xiddig bartilmaameed u ahaa Man Utd oo qarka usaaran inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa

0
326
NAPLES, ITALY - FEBRUARY 25: Lorenzo Insigne of Napoli in action during the UEFA Europa League Round of 32 second leg match between SSC Napoli and Villarreal FC on February 25, 2016 in Naples, Italy. (Photo by Francesco Pecoraro/Getty Images)

Lorenzo Insigne iyo Jose Callejon ayaa ugu baaqay saxiibkooda kooxda Dries Mertens inuu soo afjaro wararka la xiriirinaya inuu u saxiixayo kooxda Manchester United.

heshiiska Weeraryahanka Napoli iyo xulka Belgium ayaa dhacaya 2018, waxaana uu bartilmaameed sare u yahay kooxaha Inter, Manchester United iyo Tottenham.

Mertens ayaa ku lug leh 22 gool oo Serie A ah xili ciyaareedkaan isagoo kooxdiisa Napoli u buuxiyay booskii uu baneeyay Gonzalo Higuain oo ku biiray kooxda Juventus.

Callejon oo saxaafadda la hadlay kadib markii kooxdiisa 1-0 kaga badisay Inter, waxa uu ugu baaqay Mertens inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Napoli.

Waxa uu kamid yahay ciyaartooyda muhiimka ah ee kooxdeena sidaas darted waxaan codsaneynaa inuu sii jogo halkaan ayuu hadalkiisa ku daray Jose Callejon.

“Waxaan rabnaa in kooxda heysata horyaalka maalin aan noqon doono,” ayuu yiri Callejon. “Waxaan dhamaanteen rabnaa Mertens inuu sii joogo, waan ku faraxsanahay qaab ciyaareedkiisa fiican ee uu kooxdeena ku caawinayo ayuu hadalkiisa raaciyay.

Madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa sheegay toddobaadkii la soo dhaafay in Mertens oo 29-sano jir ah uu yahay qalbiga ugu weyn ee kooxda leedahay waqtigaan.

Manchester United oo dhowr jeer wakiilo u dirtay ciyaaryahanka ayaa arintaan dharbaaxo ay ku noqon doontaa, madaama xiddiga lagu qalqaalinayo inuu saxiixo qandaraas cusub.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan