RASMI: Halyeeyga AS Roma Francesco Totti oo ka ka fariisan doona kubadda cagta

0
275

Agaasimaha cusub ee dhanka ciyaaraha kooxda AS Roma ninka lagu magacaabo Monchi ayaa wuxuu xaqiijiyey in halyeeyga kooxda Roma Francesco Totti uu ka fariisan doono ciyaaraha kubadda cagta dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

Kabtanka Roma ahna halyeeyga qaranka Italy ayaa wuxuu shaqo dhanka agaasinka ah ka qaban doonaa kooxda ka dhisan Stadio Olimpico wixii ka bilowda xilli ciyaareedka soo aadan 2017 illaa 2018, sida uu Monchi saxaafadda u sheegay.

“Haddii uu ka hadlo mustaqbalka Totti, durba waxaan ka warqabaa inuu heshiis kooxda la meeldhigay isla markaana uu sannadkaani yahay midkiisii ugu dambeeyey ee ciyaaraha kubadda cagta, ka dibna shaqo dhanka agaasinka ah ayuu ka qaban doonaa kooxdaan,” Monchi oo hore usoo noqday agaasimaha Sevilla ayaa sidaasi u sheegay saxaafadda xilli loo soo bandhigay isagoo doorkaan cusub loo magacaabay maanta oo Arbaco ah.

“Francesco waa calaamadda Roma, waxaana doonayaa inaan ku dhowaado qaabka ugu macquulsanna aan iskula shaqeyno, waxaan jeclaan lahaa inaan wax badan isaga ka barto oo aan ka kororsado aqoontiisa kubadda cagta”.

Hase yeeshee, illaa haatan 40 sanno jirkaan nafsad ahaantiisu ma xaqiijin waxyaabaha la xiriira mustaqbalkiisa ka hor xilli ciyaareedka soo aadan, balse warbaahinta Italy ayaa si weyn u sheegeysay inuu xiddigaani soo afjari doono 25 sanno oo uu u ciyaarayey kooxda ka dhisan caasimadda Italy.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan