Serie A oo jinsi faquuqday 3 xiddig oo madoow ah, xitaa Sulley Muntari ayaa hal kulan la ganaaxay

0
870

Maamulka horyaalka Serie A ayaa daaha ka qaaday inay ganaaxeen xiddiga qadka dhexe ee reer Ghana Sulley Muntari ka dib markii uu ka baxay garoonka ciyaartii ay wajaheen kooxda Cagliari, inkastoo xiddiga kooxda Pescara uu caddeeyey inuu sii wadan waayey ciyaartii Axadii maadaama aflagaado cunsuri ah ay kula keceen taageereyaasha martida loo ahaa.

Sulley Muntari ayaa waxaa laba jaalle siiyey garsoorihii kulankaan Daniele Minelli maadaama uu ugu baaqay garsooraha inuu ciyaarta joojiyo xilli ay taageereyaasha martida oo ahaa ee kooxda Cagliari ay midab takoorayeen isaga, taasoo keentay inuu caro darteed garoonka uga baxo.

Sida caadiga ah, ciyaaryahanku haddii uu laba jaalle qaato wuxuu seegayaa kulanka xigga ee kooxdiisa, laakiin guddiga FIFPro ee ay ku mideysan yihiin ciyaartoyda kubadda cagta ayaa ku baqaaya in meesha laga saaro jaallayaashii la siiyey Muntari maadaama xaaladdiisu ay aheyd mid gaar ah.

Hase yeeshee, maamulka horyaalka Serie A ayaa go’aansaday inay ciqaabaan xiddigaan Muntari ah, wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa hal kulan waana ciyaarta ay kooxdiisa Pescara Axada garoonkeeda kula ciyaareyso naadiga Crotone.

Taageereyaasha Inter Milan ayaa laga yaabaa inay ka mid noqdaan kuwa lagu ciqaabo aflagaado cunsuri ah oo ay geystaan Isbucaan iyadoo ay midab takooreen daafaca kooxda Napoli Kalidou Koulibaly.

Dhanka kale, taageereyaasha Lazio ayaa laga yaabaa in garoonkooda qeyb ka mid ah la xiro ka dib markii aflagaado jinsi faquuq ah ay la beegsadeen daafaca kooxda AS Roma Antonio Rudiger.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan