VIDEO: Daawo 10kii gool ee ugu quruxda badnaa ee uu dhaliyey Francesco Totti kuwaasoo lagu xusuusan doono halyeeyga AS Roma

2
290

Agaasimaha cusub ee ciyaaraha kooxda AS Roma ninka lagu magacaabo Monchi ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay inuu Francesco Totti isaga fariisan doono guud ahaan kubadda cagta dhammaadka xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017.

Sidaas darteed kubadda cagta ayaa macsalaameyn doonta mid ka mid ah halyeeyada halka koox u go’ay ee abid ugu fiicnaa, sababtoo ah 40 sanno jirkaan Francesco Totti ayaa xirfaddiisa kubadda cagta oo dhan ku qarash gareeyey Giallorosi isagoo kooxdaan u ciyaarayey muddo 25 sanno ah.

Illaa haatan Totti ayaa Roma u saftay 783 kulan, wuxuuna kooxdaan u dhaliyey guud ahaan 307 gool tartamada oo dhan, halka xulka qaranka Italy uu u saftay 58 kulan isagoo u dhaliyey 9 gool.

Dhanka horyaalka Serie A halyeeygaan ayaa ka dhaliyey 250 gool, waxaana xusid mudan inuu yahay mid ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa abid ee ka ciyaara qadka dhex ee weerarka ee lagu arko garoon kubadda cagta ah.

Shabakadda Gool.Net ayaa soo qaadatay muuqaalka 10kii gool ee ugu fiicnaa ee uu dhaliyey Totti xirfaddiisa kubadda cagta, iyadoo 10kaan gool si gaar ah loogu xusuusan doono xirfaddiisii iyo sida uu u ahaa xiddig tayo miiran ah.

Roma ayaa xaqiijisay inuu Totti kooxda ka qaban doono door agaasime, halka howlgab laga dhigi doono lambarka 10aad ee uu kooxdaan u xiran jiray marka uu si rasmi ah kobaha isugu dhufsado.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

2 Fikradaha Akhristayaasha

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan