HELLO BARCA: Ronald Koeman oo sii hordhacay inuu yahay tababaraha cusub ee Barcelona

0
875

Tababaraha kooxda Everton Ronald Koeman ayaa qiray sida uu ugu riyoonayo inuu tababare u noqdo kooxda Barcelona.

Ninka reer Holland ayaa dhaliyay goolkii guusha ee kooxda Catalan ku qaatay taranka Yurub sannadkii 1992, waxaana aad loola xiriirinayaa inuu ku laabanayo Camp Nou xagaagan,

Tababaraha haatan hogaamiya kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa shaqada la xaqiijiyay inuu ka tagayo dhamaadka xili ciyaareedkaan, iyadoo tababare cusub kooxdu u baahan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, Koeman ayaa muujiyay sida uu u aqbali lahaa shaqada kooxda Barcelona haddii maalin loosoo bandhigi lahaa,

“nolosheyda tababare waa mid xifado kala duwan soo martay, waxaan leeyahay laba riyo oo kala duwan,” ayuu u sheegay wargeyska Sport.

“tan koowaad waa inaan macalin u noqdo dalkayga Netherlands, Waxay ii noqon doonaa wax ugu weyn, tan labaad waa inan macalin unoqdaa Barcelona ayuu yiri Ronald Koeman.

“Hadda waxaan kusuganahay kooxda Everton, Waxaan heysto xiiso badan oo ii imaanaya, waxaan doonayaa in aan ka shaqeeyo Champions League xili ciyaareedka sooscda ayuu hadalkiisa ku daray macalinka lala xiriirinayo kooxda Barcelona.

54-sano jirkaan ayaa si kastaba ha ahaatee, gebi ahaanba soo dhaweeyay suurtogalnimada uu ugu laabanayo kooxda reer Spain.

Dhinaca kale Ronald Koeman ayaa cadeeyay in uusan waligiis tababare u noqon doonin kooxda Real Madrid, sabab la xiriirta riyooyinkiisa Barcelona oo badan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan