Chelsea oo 70 milyan kusoo qaadaneysa daafac iyo xiddig qadka dhexe ah oo hal koox u wada ciyaara (Warbixin)

0
1130

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay lasoo saxiixato labada ciyaaryahan ee kooxda AS Roma wiilka qadka dhexe Radja Nainggolan iyo daafaca dambeedka dhexe Antonio Rudiger.

Blues ayaa xilli ciyaareedka soo aadan ka ciyaari doonta tartanka UEFA Champions League, waxayna madaxda kooxda ka dhisan Stamford Bridge doonayaan inay dib u dhis ku sameeyaan kooxdooda xagaagaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub.

Sida laga soo xigtay majaladda The Sun, Antonio Conte ayaa doonaya inuu kooxdiisa si weyn uga xoojiyo qadka dhexe iyo daafaca, waana sababta uu u raadsanayo Radja Nainggolan oo u dhashay dalka Belgium iyo Antonio Rudiger oo u dhashay dalka Germany.

Chelsea ayaa wadar ahaan 70 milyan oo ginni ku dooneysa labadaan xiddig ee u ciyaara kooxda ka dhisan caasimadda Talyaaniga ee Roma. Nainggolan, oo 29 sanno jir ah, ayey Chelsea ku guuldarreysatay saxiixiisa xagaagii lasoo dhaafay markii ay kooxdiisu diiday inay ku iibiso wax ka yar 32 milyan oo ginni.

Dhanka kale, Rudiger, oo 24 sanno jir ah, ayaa laga doonayaa Galbeedka London. Wuxuuna tababare Conte u arkaa bedelka kabtanka Blues John Terry kaasoo dhammaadka xilli ciyaareedkaan isaga dhaqaaqi doona kooxda ka dhisan garoonka Stamford Bridge.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan