Barcelona oo xiiso u qabta saxiixa xiddig kasoo jeeda Jarmalka oo lagu qiimeeyo 67 milyan

0
1198

Barcelona ayaa xiisaynaysa saxiixa xiddiga 27-sano jirka ah ee Borussia Dortmund iyo xulka qaranka Jarmalka Marco Reus marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Reus ayaa 12 bilood dhaawac ah ku maqnaa, laakiin taasi ma niyad jabin kooxaha ka dhisan Yurub ee xiiseynaya ciyaaryahanka.

Heshiiska Marco Reus ayaa noqon doona mid khamaar ah, madaama taam ahaanshiyaha xiddiga Borussia Dortmund aan lahubin.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay ku soo biirtay kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Manchester United kuwaasoo tartan ugu jira saxiixa xiddiga reer Jarmal.

Kooxda reer Catalans ayaa raadinaysa ciyaartooy cusub oo tayo leh kuwaasoo xaalada kooxda wax ka bedelay, Marco Reus ayaana silama filaan ah liiskaan kaga mid noqday.

27-sano jirkaan ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League, iyadoo wararka shalay soo baxay ay sheegayaan in Manchester United ay dalab rasmi ah udirtay Dortmund.

Ciyaaryahanka xulka qaranka Jarmalka ayaa heshiiskiisa lagu burburin karaa £ 21 milyan waxaana ugu cadcad saxiixiisa kooxaha Barcelona iyo Manchester United.

Marco Reus ayaa seegay kulamo badan xilli ciyaareedkan, laakiin kooxaha Manchester United, Liverpool, Arsenal iyo Barcelona ayaa si khamaar ah ku doonaya saxiixiisa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan