Antonio Conte oo maamulka Chelsea ku qancinaya saxiixa 30  jir uu taageero waalan u yahay (Daawo xirfaddiisa iyo goolashiisa)

0
2590

Tababaraha kooxda Antonio Conte ayaa si weyn u doonaya inuu lasoo saxiixdo weeraryahanka kooxda Napoli Dries Mertens xagaagaan, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya dalka Belgium.

Shabakadda HLN ee dalka Belgium ayaa sheegeysa inuu tababaraha reer Italy Conte taageere weyn u yahay xiddigaan reer Belgium Dries Mertens isla markaana uu doonayo inuu keeno Galbeedka London xagaagaan, inkastoo uu 30 sanno jir yahay.

Mertens ayaa xilli ciyaareed wacan la qaadanaya kooxdiisa Napoli, wuxuuna u dhaliyey 24 gool oo horyaalka Serie A ah xilli ciyaareedkaan, halka sidoo kale uu shan gool ka dhaliyey tartanka UEFA Champions League, qaab ciyaareedkiisu wuxuu ku qanciyey Conte inuu ku habboonaan lahaa falsafaddiisa kooxda ka dhisan Stamford Bridge.

Tababaraha kooxda Chelsea ayaana haatan doonaya inuu maamulka kooxdiisa ku qanciyo inuu Mertens yahay saxiix ku habboon uu uu Blues ku xoojin karo ka hor ololaha soo aadan oo ay ka ciyaari doonto tartanka Champions League.

Conte wuxuu doonayaa inuu xoojiyo weerarka Chelsea, isla markaana uu kooxda keeno xiddigo xawaare badan oo boosaska kula tartami kara Eden Hazard, Pedro iyo Willian.

Mertens oo sidoo kale lala xiriirinayo kooxda Manchester United ayaa hal sanno uga harsan yahay qandaraaska uu kula jiro kooxda Napoli, inkastoo madaxweynaha kooxdaas Aurelio De Laurentiis uu daaha ka qaaday inuu qandaraas cusub saxiixi doono Isbuuca soo aadan.

HALKAAN KA DAAWO XIRFADDA IYO GOOLASHA UU DHALIYEY DRIES MERTENS XILLI CIYAAREEDKAAN 2016 ILLAA 2017.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan