Halyeeyga Man Utd Rio Ferdinand oo si xun u galay kooxdiisii hore, isagoo soo doortay kooxdii ugu fiicneyd EPL xilli ciyaareedkaan

0
1608

Halyeeyga Manchester United iyo xulka qaranka England Rio Ferdinand ayaa wuxuu soo doortay koox uu ugu yeeray inay tahay middii aragtidiisa ahaan ugu wanaagsaneyd horyaalka England Premier League xilli ciyaareedkaan.

Wuxuu gabi ahaanba iska indhotiray ciyaartoyda kooxdiisii hore ee Man United, halka uu bedelkeeda ciyaartooy badan kasoo xushay kooxaha reer London ee Chelsea iyo Tottenham kuwaasoo ku jira kaalinta koowaad iyo labaad ee horyaalka Ingiriiska.

Liverpool, Everton, Crystal Palace iyo Burnley ayaa sidoo kale ciyaartooy ku yeeshay shaxda Rio Ferdinand ee ciyaartoydii ugu fiicneyd horyaalka EPL xilli ciyaareedkaan, taasoo uu kusoo xushay hannaanka 3-4-3.

KOOXDA UGU WANAAGSAN HORYAALKA EPL EE XILLI CIYAAREEDKAAN EE UU SOO XUSHAY RIO FERDINAND: Hugo Lloris, Cesar Azpilicueta, David Luiz, Michael Keane, Danny Rose, Wilfried Zaha, Dele Alli, N’Golo Kante, Eden Hazard, Romelu Lukaku iyo Sadio Mane.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan