Liverpool oo ku durdurisay West Ham kuna soo laabatay 3aad ciyaar uu wacdaro dhigay Philippe Coutinho, waxyaabihii laga bartay kulankaan + (Goosgooska)

0
758

Liverpool ayaa kusoo laabatay kaalinta seddaxaad ee kala sarreynta horyaalka England Premier League ka dib markii ay guul 4-0 ah ka gaartay kooxda West Ham United oo ay marti ugu aheyd garoonka cusub ee London Stadium.

Liverpool ayaa ciyaartaan kusoo gashay dardar xoogan, laakiin goolasha horay kama aysan bilaabin. Xiddigeeda Daniel Sturridge ayaase hogaanka u dhiibay daqiiqadii 35aad, isagoo caawinaad ka helay kubadsameeyaha reer Brazil Philippe Coutinho.

Daniel Sturridge ayaa haatan dhaliyey shan gool 7 kulan oo horyaalka EPL ah oo uu ka horyimid kooxda West Ham, wuxuuna kulan kasta celcelis ahaan ka dhaliyey 0.7 gool kulan kasta, waana kooxda sicirka ugu wanaagsan ee uu dhanka goolasha ka heysto.

Qeybtii hore ee kulankaan waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay Liverpool. Wixii intaas ka dambeeyey, qeybtii labaad waxay aheyd bandhiggii Philippe Coutinho, iyadoo xiddiga reer Brazil uu qaab ciyaareed heer sarre ah soo bandhigay kulankaan.

Philippe Coutinho ayaa goolka labaad u dhaliyey kooxda Reds daqiiqadii 57aad ee kulankaan, goolkaasna wuxuu ka dhigan yahay inuu Philippe Coutinho haatan dhaliyey 14 gool oo uu kasoo toogtay bannaanka diilinta 18aad tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horreeyey ee Premier League mana jiro ciyaaryahan kaga badan middaas.

Isla xiddigii hore ee kooxda Inter Milan Philippe Coutinho ayaa dhaliyey goolka seddaxaad ee kooxdiisa daqiiqadii 62aad, goolkaasna waxaa caawiye ka ahaa xoogweynaha reer Holland Georginio Wijnaldum.

Haatan dhammaan seddaxda jeer ee uu Philippe Coutinho kulan horyaalka EPL ah ka dhaliyey laba gool wuxuu ka horyimid kooxo ka dhisan London, wuxuuna sidoo kale shabaqa kasoo taabtay oo uu min laba gool ka dhaliyey kooxaha Chelsea bishii October 2015kii iyo Arsenal bishii August 2016kii.

Sidoo kale Philippe Coutinho ayaa haatan si toos ah seddax gool ugu lug yeeshay hal kulan isagoo u ciyaaraya kooxdiisa Liverpool markii ugu horreysay tan iyo markii uu kusoo biiray kooxdaan.

Goolka afaraad ee kooxda Reds ayaa waxaa daqiiqadii 76aad u saxiixay weeraryahankooda reer Belgium Divock Origi. Markale xiddiga qadka dhexe ee reer Holland Georginio Wijnaldum ayaa caawiye ka ahaa goolkaan.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaana kusoo laabatay kaalinta seddaxaad ee horyaalka EPL iyadoo kala wareegtay kooxda Manchester City oo ay ka sarreyso hal dhibic waxayna leedahay 73 dhibcood iyadoo ciyaartay 37 kulan, halka Man City ay ciyaartay 36 kulan, si la mid ah Arsenal oo leh 69 dhibcood.

Halkaan hoose ka daawo goosgooska kulankaan iyo goolashii la iska dhaliyey oo dhammeystiran.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan