Rajadii isreebreebka Europa League kooxda Inter oo dhimatay markii ay qasaaro kala kulmeen Sassuolo

0
374

Rajadii Inter ee isreebreebka Europa League ay ka laheyd ayaa dhabar jab weyn uu ku yimid kadib markii  Pietro Iemmello oo u ciyaara kooxda Sassuolo garoonka San Siro uu ku dhaliyay laba gool.

Ciyaarta oo kusoo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay Sassuolo, waxay aheyd guuldarradii ugu horeysay ee kooxda ku dhacda tan iyo ceyrinmtii macalin Stefano Pioli oo shaqada laga ceyriyay bartamihii isbuucii hore.

Inter ayaa afar dhibcood ka dambeysa kooxda kaalinta lixaad AC Milan, oo rajo weyn ka leh booska isreebreebka Europa League xili ciyaareedka dambe.

Inter ayaa looga baahnaa guul kulankaan si ay cadaadiska ugu sii badiyaan kooxda ay isku magaalada yihiin ee AC Milan, laakiin qasaaro ayay ka qaateen kooxda Sassuolo oo marti ku aheyd garoonka San Siro

Sassuolo ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqii 36aad markii uu gool qurux badan saxiixay Pietro Iemmello,weeraryahanka ayaana markale dhaliyay goolka labaad ee kooxdiisa daqiiqadii 50aad ee ciyaarta.

Weeraryahanka Inter Milan Eder ayaa dhaliyay goolka kaliya ee kooxda Inter Milan daqiiqadii 70aad ee ciyaarta.

Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1, oo ay ku badisay kooxda Sassuolo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan