Tottenham oo ku joogsatay Man Utd, guulna ku sagootisay White Hart Line, waxyaabihii laga bartay ciyaarta + (Goosgooska)

41
2256

Tottenham Hotspur ayaa guul darro 2-1 ah dhabarka u saartay kooxda tababare Jose Mourinho ee Manchester United, ciyaar ka dhacday garoonkeeda White Hart Line oo ay markeedii ugu dambeysay taariikhda ku ciyaartay kana tirsaneyd ciyaaraha wareegga 37aad ee horyaalka England Premier League.

Garoonka White Hart Line ayaa waxaa la dhisay sannadkii 1899kii, waxaana ku ciyaareysay kooxda Tottenham illaa sannadkaan 2017ka.

Lix daqiiqo ayey ku qaadatay wiilasha tababare Mauricio Pochettino inay shaqaba kasoo taabtaan Man Utd, waxaana goolkaas u dhaliyey xiddigooda qadka dhexe ee reer Kenya Victor Wanyama kaasoo caawinaad ka helay daafaca dambeedka bidix Ben Davies.

Victor Wanyama ayaa haatan dhaliyey goolkiisii 4aad ee xilli ciyaareedkaan oo dhan, laakiin dhammaan goolashiisu waxay ka yimaadeen kulan ka dhacaya garoonka White Hart Line.

Qeybtii koowaad ee ciyaarta labada kooxoodba isku day wanaagsan waa ay sameeyeen, goosha waa loo dhowaaday, laakiin goolkaas wax ka badan ma aysan dhalin. Tottenham oo 1-0 hogaanka ku heysa ayaana lagu kala nastay qeybtii koowaad.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad, weeraryahanka reer England Harry Kane ayaa daqiiqadii 48aad goolka labaad ugu shubay kooxda martida aheyd ee Man United, markaas ayuuna waagu ku baryey tababare Mourinho.

Harry Kane ayaa haatan gool ka dhaliyey 24 ka mid ah 25 kooxood oo uu ku wajahay horyaalka Premier League inta uu xiran yahay shaarka kooxda Tottenham, marka laga reebo kooxda Cardiff City.

Christian Eriksen ayaa goolkaas caawiye ka ahaa, taasoo la micno ah inuu haatan sagaal gool oo horyaalka EPL ah ka caawiyey Harry Kane tan iyo bishii August 2015kii mana jiro ciyaaryahan ka ciyaara horyaalkaan Ingiriiska oo xiddig ay isku koox yihiin ka caawiyey goolal intaas ka badan.

Kabtanka Man Utd Wayne Rooney ayaa gool usoo celiyey Red Devils daqiiqadii 71aad ee kulankaan, waxaana goolkaas ka caawiyey weeraryahanka u dhashay France Anthony Martial.

Wayne Rooney ayaa haatan dhaliyey goolkii ugu horreysay ee ay Man Utd ka dhalisay 6da kooxood ee ugu sarreysa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkaan marka ay marti tahay.

Waa guuldarraddii labaad oo xiriir ah oo ku dhacaysa kooxda tababare Jose Mourinho ka dib markii Isbuucii lasoo dhaafay ay garaacday naadiga Arsenal, waxayna haatan leedahay 65 dhibcood 36 kulan oo ay ciyaartay, halka kulamadaas oo kale ay Tottenham ku shaqeysatay 80 dhibcood.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO GOOSGOOSKA IYO GOOLASHA OO DHAMMAYSTIRAN.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

41 Fikradaha Akhristayaasha

  1. Thanks, Brad.I was lucky to read the e-copy and had started it before getting a physical copy. Winds is a not-inconsiderable tome, but I found that to be a feature, not a bug.Book one is the base of the pyramid, which limits the shape of books two and three, but also provides a foundation and a grounding for them at the same time, I think.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan