VIDEO: Waa kuma xiddiga heshiiska hordhaca ah la gaaray Arsenal Sead Kolasinac, daawo muuqaal qeexaya awooddiisa ciyaareed

0
1324

Daafaca dambeedka bidix Sead Kolasinac ayaa la xaqiijiyey inuu heshiis shan sanno ah oo hordhac ah la meeldhigay kooxda Arsenal.

Camaaliqada ka ciyaarta horyaalka England Premier League ayaa daafacaan kala soo wareegeysa kooxda Schalke 04 marka uu qandaraaskiisu dhaco 30ka bisha June ee soo aadan.

Wararka kasoo baxaya Jarmalka ayaa xaqiijinaya in heshiiska ay isla meeldhigeen maamulka Arsenal iyo wakiilka Sead Kolasinac isla markaana uu xiddigaani ku biiri doono kooxda Gunners dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

23 sanno jirkaan u dhashay dalka Bosnia Sead Kolasinac ayaa xitaa tijaabada caafimaadka u maray kooxda ka dhisan FLY Emirates Stadium.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO AWOOD CIYAAREEDKA SEAD KOLASINAC EE XILLI CIYAAREEDKAAN 2016 ILLAA 2017.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan