Iska Ilow Conte, Inter Milan oo heshay macalin qarniga

0
847

Kooxda Inter Milan ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa markaaan waxa ay doonaysaa Tababaraha kooxda Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino.

Inter ayaa ceerisay macalin Stefano Pioli habeenkii talaadadii, ka dib markii muddo lix bil kaliya ah shaqadaa uu haayay.

Kooxda Inter ayaa si weyn u baadi goobaysay macalinka kooxda Chelsea Antonio Conte, balse waxa uu u muuqdaa mid sii joogaya garoonka Stamford Bridge ka dib markii uu xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay kula guulaystay horyaalka ingiriiska.

Sida ay ku waramayso Sky Sport Italia, milkiilayaasha Chine ee leh kooxda Inter Milan ayaa indhaha ku haya sidii ay ku keeni lahaayeen macalin Pochettino.

Inter ayaa waxaa ku adkaan doonta sidii ay horyaalka ingiriiska kaga soo dhaqaajin laheyd macalinkaan oo qandaraas waqti dheer ah kula jira kooxda Tottenham.

Laakiin kooxda Inter ayaa diyaarinaysa mushaar dhan 10m oo Euro sanadkii in ay siiyaan macalinkaan haddii uu yimaado San Siro.

Wararka ayaa intaa ku daray in agaasimaha ciyaaraha Inter Piero Ausillio uu diyaarinayo wada hadal uu la furo macalinkaan reer Argentina isbuucyada soo socda.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan