Sababta ay wakiillada Chelsea Axadii u daawadeen kulankii Roma iyo Juve oo la ogaaday, labadaan xiddig ayey isha ku hayeen!

0
1307

Wakiillo ka socda kooxda Chelsea ayaa Axadii daawaday ciyaartii dhexmartay kooxaha AS Roma iyo Juventus, ujeedkooduna wuxuu ahaa inay daawadaan qaab ciyaareedka daafaca Roma Antonio Rudiger iyo xiddiga qadka dhexe ee kooxdaas Radja Nainggolan.

Sida laga soo xigtay shabakadda Tuttomercatoweb, wakiillo ka socda kooxda tababare Antonio Conte ayaa xalay ku sugnaa garoonka Stadio Olimpico, waxayna si gaar ah u arkeen qaab ciyaareedka daafaca reer Germany iyo burburiyaha reer Belgium kuwaasoo labaduba diiradda u saaran.

Maamulka Chelsea ayaa muddo dheer ku raad joogay labadaan ciyaaryahan ee kooxda Giallorossi Rudiger iyo Nainggolan kuwaasoo muddo dheer si joogto ah loola xiriirinaayey u dhaqaaqidda garoonka Stamford Bridge, balse iska diiday xagaagii lasoo dhaafay.

Wax walba ayaase ku xirnaan doona cidda heysa xilka tababarenimo ee kooxda Roma xilli ciyaareedka soo aadan iyo haddii uu xiddigahaan ku darsado qorsheyaashiisa, sidoo kale istiraatiijiyadda kooxda u dejiso suuqa kala iibsiga, iyadoo tababare Luciano Spalletti uu qandaraaskiisu dhacayo dhammaadka bisha June ee sannadkaan.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan