Kooxdii ugu fiicneyd horyaalka Serie A Isbuuca 36aad oo lasoo saaray, goolhaye Gianluigi Donnarumma ayaana hogaaminaya

0
569

AS Roma ayaa soo yareysay farqiga dhibcaha ee ay ka dambeyso kooxda Juventus, Napoli ayaa garaacday kooxda Torino, halka Fiorentina ay soo kabasho cajiib ah sameysay ciyaarihii horyaalka Serie A Isbuuciisii 36aad.

Hadaba shakabadda Football Italia, gaar ahaan khabiirkeeda Dave Taylor ayaa wuxuu soo xushay kooxdii ugu fiicneyd horyaalka Serie A Isbuucaan.

Waana 11 ciyaaryahan, wuxuuna goolhaye uga dhigay Gianluigi Donnarumma oo AC Milan ah kaasoo qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay.

Daafaca Napoli Andrea Conti ayaa sidoo kale kooxdaan kasoo muuqday, halka Kalidou Koulibaly iyo Faouzi Ghoulam oo Nopoli ah ay boosas ka heleen dhanka daafaca ka dib markii ay nadiifiyeen shaarka kooxdooda oo 5-0 ku dubatay Torino.

Weerarka kooxdaanna waxaa hogaaminaya Mattia Destro iyo Dries Mertens, halka qadka dhexe uu ugu magac weyn yahay Radja Nainggolan oo gool u dhaliyey kooxdiisa Roma kulankii ay guusha 3-1 ah ka gaartay Juventus.

SHAXDA KOOXDAAN LAGU SOO XULAY 3-4-3: Gianluigi Donnarumma [AC Milan]; Andrea Conti [Atalanta], Kalidou Koulibaly [Napoli], Faouzi Ghoulam [Napoli]; Radja Nainggolan [Roma], Luis Alberto [Lazio], Diego Farias [Cagliari], Jose Callejon [Napoli]; Khouma Babacar [Fiorentina], Dries Mertens [Napoli], Mattia Destro [Bologna]

SIDOO KALE WAXAA QAAB CIYAAREEDKOODA LA AMMAANAY XIDDIGAHA: Pietro Iemmello [Sassuolo], Lorenzo Insigne [Napoli], Stefano Sensi [Sassuolo], Stephan El Shaarawy [Roma], Daniele De Rossi [Roma], Andrea Consigli [Sassuolo].           

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan