Arsenal oo si lama filaan ah ula soo wareegeysa weeraryahan Chelsea ah oo dhaliyey 26 gool ololahaan (Daawo xirfaddiisa iyo goolashiisa)

0
3463

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu si lama filaan ah ula soo wareego weeraryahanka kooxda Chelsea Tammy Abraham, wararka kasoo baxaya England ayaana sidaas sheegaya saakay oo Arbaco ah.

Majaladda The Sun ee dalka England ayaa qoreysa inuu tababaraha Arsenal doonayo inuu xagaagaan lasoo saxiixdo weeraryahan cusub, wuxuuna si weyn ula dhacay qaab ciyaareedka 19 sanno jirkaan ay milkiyaddiisa leedahay kooxda Chelsea.

Tababaraha u dhashay Faransiiska Wenger ayaa aaminsan inuu xitaa ku qancin karo Abraham inuu kasoo tago kooxda ka dhisan Stamford Bridge kuna soo biiro deriskeeda Arsenal maadaama uu fursad ciyaareed joogto ah u ballan qaadayo weeraryahankaan mustaqbalka leh.

Weeraryahanka reer England Tammy Abraham ayaa xilli ciyaareedkaan heshiis amaah ah kusoo qarash gareeyey kooxda Bristol City wuxuuna doonayaa inuu xilli ciyaareedka soo aadan 2017 illaa 2018 door ku yeesho kooxda koowaad ee Blues.

Laakiin wararku waxay sheegayaan inuu raadsan doono koox cusub haddii uu ogaado in uusan ka qeyb aheyn qorsheyaasha tababare Antonio Conte. Kuna darso Abraham ayaa xilli ciyaareed cajiib ah kusoo qaatay horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska Championship iyo kooxda Bristol City, isagoo 26 gool dhaliyey 48 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017.

Halkaan hoose ka daawo xirfadda iyo goolasha uu dhaliyey xiddigaani xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan