DEG DEG: Mauricio Pochettino oo go’aan rasmi ah ka gaaray mustaqbalkiisa – maku biirayaa Inter?

0
1386

Tababaraha Tottenham Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyay in wax shaki ah uusan ka qabin inuu sii joogi doono White Hart Lane xilli ciyaareedka soo socda.

macalinka reer Argentina ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in uusan jirin qiimo lagu burburin karo heshiiska uu kula joogo kooxda White Hart Lane ku ciyaarta.

Mauricio Pochettino ayaa war shalay soo baxay waxa uu sheegayay inuu ku biirayo kooxda ka dhisan talyaaniga ee Inter Milan.

Laakiin macalinka 43 jirka ah oo kooxdiisa ku hogaamiyay kaalinta labaad ee Premier League ayaa biyo qabow ku shubay wararka sheegaya inuu ka tagi doono White Hart Lane.

Waxaan heystaa heshiis aan ku qanacsanahay, majiro xiiso aan ogahay, waxaan rabaa inaan sii joogo halkaan ayuu yiri tababaraha kooxda Tottenham Mauricio Pochettino.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan