Inter Milan oo suuqa kala iibsiga wacdaro ka dhigeysa & Kurt Zouma oo noqon doona saxiixa koowaad

0
386

Kooxda Inter Milan ayaa la soo warinayaa in ay diirada usaaran tahay xiddiga difaaca kaga ciyaaro kooxda Chelsea ee Kurt Zouma.

Inter ayaa rabta in ay iska dhisto difaaca xilli ciyaareedka dambe, madaama kooxda qarash badan la gelinayo.

Kooxda  Nerazzurri ayaa horey uraadinaysay xiddiga difaaca kaga ciyaara kooxda Roma Antonio Rudiger, laakiin Roma ayaa xiddiga xulka qaranka Jarmalka ku doonaysaa lacag badan.

Tuttosport ayaa ku waramaya in Zouma uu yahay bartilmaameedka koowaad ee kooxda Inter Milan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

22 jirkaan ayaa kooxda Chelsea usaftay xilli ciyaareedkaan kaliya seddex kulan oo horyaalka Ingiriiska ah ka dib markii uu kasoo laabtay dhaawac soo gaaray bishii December.

Warar ayaa sheegaya in aysan jirin wax wada hadal ah oo udhaxeeya  labada kooxood, balse agaasimaha ciyaaraha kooxda Inter Piero Ausilio ayaa isku dayaya sidii uu xiddigaan xulka qarana Faransiiska ku keeni lahaa dalka Talyaaniga.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan