Waa tuma kooxda kulmineysa Diego Costa iyo Andrea Belotti- ma ahan Chelsea ama kooxda ka dhisan Chine

0
1385

 Kooxda Atletico Madrid ayaa udhaqaaqday  sidii ay kooxda Chelsea uga soo dhaqaajin laheyd ciyaaryahan Diego Costa.

Atletico ayaa sidoo kale waxaa ay raadinaysaa xiddiga weerarka kaga ciyaara kooxda Torino Andrea Belotti sida ay ku waramay raadiyaha Cadena Cope.

tababaraha kooxda Atletico Diego Simeone ayaa rabo in uu mar kale lasoo saxiixdo xiddiga reer Spain ee asal ahaan kasoo jeedo dalka Brazil Diego Costa.

Laacibkaan ayaa waxa uu kooxdiisa Chelsea ku hogaamiyay in ay ku guulaystaan horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Sidookale kooxda Atletico ayaa lala xiriirinayaa weeraryahanka reer Italy ee kooxda Torino Andrea Belotti.

Beletti,ayaa xilli ciyaareedkaan kooxdiisa Torino u dhaliyay 27 kadib 36 kulan oo uu kasoo muuqday Serie A.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan