NAGA QARSO WAXAAGA: Xiddig u ciyaara Juventus oo lagu maadeystay ka dib markii sawir aad u xun laga qabtay xaaskiisa (Daawo)

0
4013

Xaaska u dhaxda daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Juventus Leonardo Bonucci ee lagu magacaabo Martina Maccari ayaa sawir muran badan dhaliyey, sidoo kalena aad u qaab daran soo dhigtay baraha bulshada.

32 sanno jirtaan uu qabo Leonardo Bonucci waxay sawirkaan soo gelisay baraha bulshada ka hor finalkii Coppa Italia ee kooxda uu seygeedu u ciyaaro ee Juventus ay guusha ka gaartay naadiga Lazio.

Juventus ayaa ciyaartaas 2-0 ku badisay, iyadoo labadaas goolba dhalisay qeybtii koowaad ee ciyaarta, laakiin hadalheynta kulankaan waxaa ka xoogneyd midda Martina, sababtoo ah gabadhaan ayaa akoonkeeda Instagram soo dhigtay sawir ay iska soo qaaday iyadoo ku fadhisa tuujiga musqusha, isla markaana ay kastuumuhu jilibka u joogto, halka warqadda saxarada la isaga tiro ay wejiga ku dhegsatay.

Kani waa sawirka muranka dhaliyey ee ay baraha bulshada soo dhigtay Martina Maccari

Gabadhaan ayaa sawirkaan soo raacisay hadal u dhignaa ‘Anigoo ku jira xaalad dhab ah’. Wuxuuna helay 13 kun oo likes daqiiqado gudahood. Laakiin taageereyaasha kooxda Old Lady waxay hab dhaqankeeda ku tilmaameen mid aan loo dulqaadan karin.

Mid ka mid ah dadka aragtida ka dhiibtay ayaana xaqiijiyey inuu gabadhana u arko mid ceebeyneysa taariikhda Juventus, isagoo ugu baaqay seygeeda u dhashay qaranka Italy inuu tallaabo ka qaado xaaskiisa, laakiin taageereyaasha naqdiya Juventus ayaa weydiinayey gabadhaan haddii ay Juventus kasoo baxday halka ay ka saxarooneyso.

Martina Maccari iyo Leonardo waxay isguursadeen sannadkii 2012kii

SHEEKO MAAD LEH. Adna aragtidaada ku darso.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan