RASMI: Xulka Spain ee ciyaari doona kulamada caalamiga ah oo lagu dhawaaqay, xiddig u ciyaara Real Madrid ayaana laga farxiyey

0
2268

Xiddiga dhallinyarada ah ee kooxda Real Madrid Marco Asensio iyo garabka wacdaraha ka dhigaya kooxda AC Milan Gerard Deulofeu ayaa lagu soo daray xulka tababare Julen Lopetegui ee Spain kuwaasoo ciyaaro caalami dheeli doona bisha June ee sannadkaan.

Deulofeu, haatan wuxuu amaah ku joogaa camaaliqada Serie A ee Milan oo kasoo qaadatay Everton, wuxuuna dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey ee caalami ah ciyaartii ay Isbaanishku 2-0 uga badiyeen Faransiiska ah bishii March, markale ayuuna booskiisa ilaashaday.

21 sanno jirka Asensio ayaa sidoo kale wacdaro dhigay markii uu u saftay xulka Spain kulankiisii ugu horreeyey ciyaartii ay isugu diyaarinayeen Euro 2016 ee ay wajaheen xulka Bosnia & Herzegovina bishii May ee sannadkii lasoo dhaafay, balse wixii intaas ka dambeeyey xulka looguma wicin.

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Real Sociedad Asier Illarramendi ayaa sidoo kale xulka loogu wacay, sidoo kale goolhayaha kooxda Athletic Bilbao Kepa. Balse kubadsameeye Juan Mata oo u ciyaara Manchester United, kaasoo dhawaan dhaawac kasoo laabtay waa laga tegay markale.

Xiddigaha kooxda Real Madrid ee Asensio, Dani Carvajal, Sergio Ramos, Nacho iyo Alvaro Morata ayaa sidoo kale xulka loogu wacay, balse waxaa la filayaa inay seegaan ciyaarta dhexmari doonta Spain iyo xulka Colombia 7da bisha June ee soo aadan, sababtoo ah kooxdooda Los Blancos ayey u ciyaari doonaan finalka UEFA Champions League oo dhici doona afar cisho ka hor 3da bisha June.

  • XULKA SPAIN OO DHAMMEYSTIRAN

GOOLHAYEYAAL: David de Gea (Manchester United), Kepa (Athletic Bilbao), Pepe Reina (Napoli)

DAAFACYADA: Jordi Alba (Barcelona), Cesar Azpilicueta (Chelsea), Dani Carvajal (Real Madrid), Nacho (Real Madrid), Nacho Monreal (Arsenal), Gerard Pique (Barcelona), Sergio Ramos (Real Madrid), Sergi Roberto (Barcelona)

QADKA DHEXE: Thiago Alcantara (Bayern Munich), Marco Asensio (Real Madrid), Sergio Busquets (Barcelona), Asier Illarramendi (Real Sociedad), Andres Iniesta (Barcelona), Isco (Real Madrid), Koke (Atletico Madrid),  Pedro (Chelsea), David Silva (Manchester City), Vitolo (Sevilla)

WEERARKA: Iago Aspas (Celta Vigo), Diego Costa (Chelsea), Gerard Deulofeu (AC Milan, on loan from Everton), Alvaro Morata (Real Madrid)

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan