Sidee ayuu khabiirka caanka ah Paul Merson u saadaaliyey natiijooyinka ciyaaraha ugu dambeeya EPL? Arsenal iyo Man Utd uma fiicna saadaashaani

3
1527

Khabiirka caanka ah ee hillinka Sky Sports Paul Merson ayaa saadaal ka bixiyey 10ka kulan ee ugu dambeeya ciyaaraha horyaalka England Premier League ee xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017.

Dhammaan kulamadaan waxaa la ciyaari doonaa Axada, dhammaantoodna waxay soo geli doonaan 5pm xilliga geeska Africa. Xiddigii hore ee kooxda Arsenal iyo xulka England Paul Merson ayaana guulo u saadaaliyey dhammaan kooxaha waa weyn ee EPL, marka laga reebo Manchester United.

Balse saadaashiisu ma ahan mid u wanaagsan kooxdiisii hore ee Arsenal, sababtoo ah guul ay Liverpool ka gaarto Middlesbrough iyo guul ay Man City ka gaarto Watford, sida uu saadaaliyey waxay ka dhignaan doontaa in Gunners markii ugu horreysay muddo 22 sanno ah ay seegi doonto tartanka UCL.

Chelsea ayaa koobka England Premier League ku qaadi doonta garoonka Stamford Bridge wuxuuna Paul Merson aaminsan yahay inay 4-0 ku duban doonto Sunderland.

Halkaan hoose ka daalaco dhammaan sida uu Paul Merson u saadaaliyey 10ka kulan ee ugu dambeeye horyaalka England Premier League, sidoo kale saadaashaada goonida ah inoo reeb, oo tartan la gal khabiirkaan.

  • Liverpool 2-0 Middlesbrough
  • Watford 3-0 Manchester City
  • Arsenal 3-1 Everton
  • Burnley 2-0 West Ham United
  • Chelsea 4-0 Sunderland
  • Hull City 0-3 Tottenham
  • Leicester 2-2 Bournemouth
  • Manchester United 2-3 Crystal Palace
  • Southampton 3-1 Stoke City
  • Swansea 2-1 West Bromwich Albion
SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

3 Fikradaha Akhristayaasha

  1. A/c bahda gool inta kale waa ku faaqsanahay Pl Mrn kaliya game ka Liverpool ayaan ku kala duwanahay ma nasiibka klop ayey ku soo bixi doonaan Liverpool mise nasiib xumadii ay waayahaan caanka ku noqdeen aniga ahaan waxaan jeclaan lahaa inay soo baxaan’ laakiin saadaashaydu inay Draw gali doonaan.

  2. Kulanka arsenal ilamaha inu udhacayo sidu shegay waayo lukako wuxu ciyari dona ciyar kaduwn kuwi hore si u hoganka goal dhalinta ugu gulaysto marka arsenal ciyar sahlan uma aha

  3. Hadii, ay sidaas wax u dhacaan Arsenal waxey heli doontaa labo fursadood.
    1. Champion oo ay u soo baxda, xaga goolasha iyada iyo City.
    2. Sanchez oo fursada gool dhalintu u furan Thy. Hadii uusan Kean waxbo dhalin

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan