Hadal gilgilay Chelsea oo kasoo yeeray tababare Antonio Conte, waana farxadda Inter Milan, maxaase ka maqan tababarahaan?

0
2349

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa sannadkiisii ugu horreeyey ee Stamford Bridge guulo waa weyn kooxda ku hogaamiyey wuxuuna xilli ciyaareedkaan ku dhammeysan karaa laba koob waana England Premier League iyo FA Cup.

Si kastaba ha ahaatee, 47 sanno jirkaan u dhashay Italu wuxuu daaha ka qaaday in uusan sannad labaad maamuli doonin kooxda Chelsea haddii aysan qoyskiisu usoo guurin caasimadda London.

Conte ayaa ka shaqeeyey Chelsea sannadkiisii ugu horreeyey iyadoo ay qoyskiisu degan yihiin dalka Italy, waxaana xusid mudan inuu si joogto ah halkaas ugu booqanayey, halka dhawaan xaaskiisa Elisabetta iyo Vittoria ay daawadeen kulamo ay ciyaareyso kooxda Chelsea.

Conte oo ka hadlayey sida uu ugu baaqan yahay inay qoyskiisu lasoo degaan London, haddii kale uu ku laaban doono dalkiisa Italy wuxuu u sheegay wargeyska La Repubblica: “Ujeedkeygu wuxuu yahay inaan dhiso koox Chelsea ah oo guulo ku tallaabsan karta.

“Chelsea markii aan imaanayey waxay aheyd koox weyn, laakiin xaalad xun ayey ku jirtay. Waxa kooxdaani hanatay koobka UEFA Champions League, waana koox weyn. Maadaama ay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ku dhammeysatay kaalinta 10aad ee horyaalka EPL iyadoo koobka difaacaneysa ayaa xaalad xun dhex dhigtay.

“Sidaas darteed maamulka kooxda ayaa ii dhiibay xilkaan si aan kooxda ugu soo celiyo wadada guulaha waana ka dhabeeyey. Laakiin sannad kale siima joogi doono Chelsea haddii aysan qoyskeygu usoo guurin London, sababtoo ah waxaan ahay nin qoys.

“Arrintaan dhawaan ayaan kala hadli doonaa milkiile Roman Abramovich”. Ayuuna hadalkiisa kusoo afjaray.

Hadalkaan kasoo yeeray tababare Conte ayaa farxad weyn u ah kooxda Inter Milan oo tababarahaan usoo gudbisay dalab weyn si uu dib ugu soo laabto horyaalka Serie A, halka Blues ay weli isha ku heyso inay qandaraas cusub oo muddo dheer ah ku abaalmariso macalinkeeda.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan