Horyaalka Bundesliga oo soo dhammaaday, Bayern Munich oo hanatay, 2 halyeey oo la sagootiyey iyo wax walba oo aad uga baahan tahay

0
607

Bayern Munich ayaa garoonkeeda Allianz Arena guul 4-1 ah uga gaartay kooxda Freiburg iyadoo ku guuleysatay koobka horyaalka Bundesliga markeedii shanaad oo xiriir ah.

Ciyaartaan ayaa waxay aheyd mid aad u qiiro badan iyadoo lagu sagootinayey halyeeyga Bayern Munich Philipp Lahm, oo ka ciyaara daafaca dambeedka midig ahaana kabtanka kooxdaan muddo dheer iyo halyeeyga reer Spain Xabi Alonso, kuwaasoo labaduba ciyaaray kulankoodii ugu dambeeyey ee kubadda cagta.

Afarta gool ee Bayern Munich waxaa qeybsaday Arjen Robben, Arturo Vidal, Franck Ribery iyo Joshua Kimmich iyadoo kooxdu ay gaartay guusheedii 25aad ee xilli ciyaareedkaan horyaalka Bundesliga waxayna xilli ciyaareedkaan ku dhammeysatay iyadoo aan looga adkana garoonkeeda Allianz Arena, waana markii ugu horreysay tan iyo 2008dii.

Lahm iyo Alonso ayaa ubaxyo la siiyey ka hor inta aysan bilaaban ciyaartaani, iyadoo si wanaagsan loo sagootiyey, Lahm wuxuu kulankaani u ahaa midkiisii 571aad ee uu u ciyaaro kooxdaan. Taageereyaasha ayaana garoonka ku qoray farriin u dhigneyd ‘Wuxuu ka yimid caruurnimo si uu u noqdo halyeey kooxdeena ah’.

Bayern Munich waxay horyaalkii ugu horreeyey ee tababare Carlo Ancelotti ku qaaday 82 dhibcood, iyadoo ciyaartay 34 kulan, waxaana kaalinta labaad ku dhammeysatay kooxda RasenBallsport Leipzig, halka seddaxaad ay gashay kooxda Borussia Dortmund, afaraad waxaa galay Hoffenheim.

Halka ay horyaalka ka hareen laba kooxood waana Ingolstadt iyo Darmstadt. Kooxda taariikhiga ah ee reer Germany Hamburger SV ayaana markale si la yaab leh u badbaaday.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan