RASMI: Xabi Alonso iyo Philipp Lahm oo soo afjaray waayahooda kubadda cagta, tirada kulamada ay safteen iyo koobabka ay ku guuleysteen

0
581

Halyeeyga usoo ciyaaray kooxaha Real Sociedad, Liverpool, Real Madrid, Bayern Munich iyo xulka qaranka Spain Xabi Alonso ayaa soo afjaray xirfaddiisa ciyaareed ee kubadda cagta, wuxuuna galabta ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey, isagoo Bayern Munich ka caawiyey hanashada koobkeedii shanaad ee Bundesliga oo xiriir ah.

Hadaba waxaa laga yaabaa inay akhristeyaasheena shabakadda Gool.Net isweydiinayaan inta kulan ee uu ciyaaray Alonso oo qadka dhexe ka ciyaari jiray waayihiisii kubadda cagta iyo weliba koobabka uu ku guuleystay.

Guud ahaan xirfaddiisa kubadda cagta Xabi Alonso wuxuu saftay 815 kulan, wuxuuna ku guuleystay 17 koob oo caalami ah, kuwaasoo adduunka taariikh ku leh, waxaana lagu qiimeeyaa mid ka mid ah burburiyeyaashii ugu fiicnaa ee kubadda cagta lagu arkay.

Daqiiqadii 82aad ee ciyaartaan ayaa Xabi Alonso lagu bedelay Franck Ribery, waxaana u istaagay taageereyaasha kooxda Bayern Munich kuwaasoo si weyn ugu sacbinayey maadaama ay aheyd ciyaartiisii ugu dambeeyey lana sagootinayey.

Dhanka kale, kabtankii xulka qaranka Germany u qaaday Koobkii Adduunka 2014kii Philipp Lahm, sidoo kalena muddo dheer soo ahaa kabtanka Bayern Munich ayaa wuxuu kulankaani u noqday midkiisii ugu dambeeyey ee kubadda cagta.

Guud ahaan xirfaddiisa kubadda cagta Lahm wuxuu saftay 701 kulan, wuxuuna ku guuleystay 22 koob oo waa weyn oo adduunka taariikh ku leh. Philipp Lahm ayaa bedel lagu sameeyey daqiiqadii 87aad ee ciyaartaan iyadoo lagu bedelay Rafinha, taageereyaasha Bayern Munich ayaana si weyn ugu sacbiyey una istaagay oo sharfay halyeeygooda.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan