RASMI: Yaa ku guuleystay Abaalmarinta Gooldhalinta horyaalka Bundesliga, sidee ayaase kaalimaha loo kala galay?

0
796

Xilli ciyaareedka 2016 illaa 2017 ee horyaalka Bundesliga ee dalka Germany, iyadoo Bayern Munich ay markeedii 27aad ku guuleysatay koobka horyaalka Jarmalka.

Waana markii shanaad oo xiriir ah oo ay kooxdaani qaadeyso koobka Bundesliga, sidoo kale waa markii ugu horreysay ee uu tababare Carlo Ancelotti u qaaday koobkaan.

Abaalmarinta Gooldhalinta horyaalka Bundesliga waxaa ku guuleystay weeraryahanka heerka caalami ee dalka Gabon iyo kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang oo dhaliyey 31 gool xilli ciyaareedkaan.

Waxaana kaalinta labaad ku dhammeystay xiddiga Bayern Munich iyo xulka qaranka Poland Robert Lewandowski oo dhaliyey 30 gool xilli ciyaareedkaan, halka Anthony Modeste oo FC Koln ah uu dhaliyey 25 gool wuxuuna ku dhammeystay kaalinta seddaxaad.

Kaalinta afaraadna waxaa galay Timo Werner oo dhaliyey 21 gool, waxaana xusid mudan inuu 21 sanno jirkaan u dhashay dalka Germany una ciyaaro kooxda ku dhammeysatay kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Bundesliga ee RB Leipzig.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan