DAAWO GOOSGOOSKA: Wiilasha tababare Antonio Conte oo shan gool u dhiibay Sunderland, rikoorna u dhigay horyaalka EPL

0
902

Chelsea ayaa gaartay guusheedii 30aad ee xilli ciyaareedkaan ee horyaalka England Premier League iyadoo koobka ku qaaday 93 dhibcood. Waxayna noqotay kooxdii ugu horreysay ee gaartay 30 guul hal xilli ciyaareed oo horyaalka EPL ah sidaasna koobka ku qaaday.

Wiilasha tababare Antonio Conte ayaa guul 5-1 ah garoonkooda Stamford Bridge uga gaaray kooxda Sunderland, ee heerka labaad u dhacday. Kulankaan wuxuu ahaa midkii ugu dambeeyey ee kabtan John Terry uu xirtay maaliyadda Chelsea waxaana la bedelay daqiiqadii 26aad.

Willian, Eden Hazard, Pedro Rodriguez iyo Michy Batshuayi oo laba gool dhaliyey ayaa qeybsaday goolasha kooxda Blues oo koobkana u dabaaldegtay lana guddoonsiiyey.

Tababare Conte ayaana jebiyey rikoorkii Jose Mourinho oo min 29 guul ku qaaday koobka EPL labadiisii xilli ciyaareed ee ugu horreeyey Chelsea 2004 illaa 2005 iyo weliba 2005 illaa 2006.

Halkaan hoose ka daawo goosgooska ciyaartaas.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan