Kooxda Juventus oo rikoor aan hore loo arag u dhigtay horyaalka Serie A iyo sheeko ku saabsan arrintaan

0
613

Juventus ayaa ku guuleysatay koobkeedii 33aad ee horyaalka Serie A, sida ay u yaqiinsan yihiin Xiriirka Kubadda Cagta Talyaanigu, inkastoo ay aaminsan tahay kooxdaani inay qaaday 35 horyaal, ka dib markii laba horyaal looga reebay fadeexo ciyaaro natiijadooda la qorsheeyey oo kusoo baxday.

Ma jirto koox ka ciyaarta shanta horyaal ee ugu sarreysa Yurub oo waqti xaadirkaan ka horyaallo badan Old Lady maadaama ay 33 jeer qaaday horyaalka Talyaaniga.

Waxaase intaas sii dheer, inay Juventus galabta rikoor cusub u dhigtay horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga markii ay noqotay kooxdii ugu horreysay ee lix jeer oo xiriir ah ku guuleysatay koobka Scudetto.

Xilli ciyaareedkii 2011/12, 2012/13, 2013/14, 2014/15, 2015/16 iyo 2016/17 ayey si xiriir ah kooxdaani ugu guuleysatay koobkaan waxayna sidaas ku dhaaftay rikoor u yaallay kooxaha Inter Milan iyo Torino kuwaasoo min shan jeer oo xiriir ah hantay koobkaan.

HAMBALYO TAAGEEREYAASHA KOOXDA JUVENTUS, kuwaasoo doonaya inay hantaan seddaxleey koobab ah xilli ciyaareedkaan, waxaase ka xigta inay finalka tartanka UEFA Champions League ku garaacaan kooxda Real Madrid 3da bisha soo aadan ee June.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan