Pierre-Emerick Aubameyang oo cadeeyay mustaqbalkiisa iyo xiliga uu ka tagaya kooxdiisa

0
1596

Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sheegay in uu go’aan ka gaari doono mustaqbalkiisa kooxda isbuuca dambe.

Xiddiga xulka qaranka Gabon ayaa dhaliyay labo gool ciyaartii ugu danbeysay ee horyaalka Jarmalka oo ay 4-3 kaga badiyeen kooxdiisa Werder Bremen.

Aubameyang ayaa laba gool dhaliyay kulankaas, markaasoo uu xaqiijiyay inuu hantay abaalmarinta gooldhalinta horyaalka Bundusliga.

“waynu argi doonaa waxa aan go’aansan doono isbuuca dambe ,”ayuu ku yiri Sky Sports Aubameyang.

“dheh waxaad rabto hadda, Waxa aan la hadli doonaa kooxdayda isbuuca dambe, waan arki doonaa waxa dhaca ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale majadada Bild ayuu ku yiri “wax ilaa hadda aan go’aansaday ma jirto” waxa aynu ku wada heshiinay maamulka kooxda wadahadal labada isbuuc ee soosocda.

27 jirkaan ayaa qandaraaskiisa kooxda Dortmund waxa uu dhacayaa sannadka 2020ka.

Aubameyang ayaa xilli ciyaareedkaan dhaliyay  31 gool 32 kulan oo uu kasoo muuqday Horyaalka Bundesliga, isagoo sidoo kale dhaliyay todobo gool sagaal kulan oo Champions League ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan