RASMI: Weeraryahanka kooxda Tottenham Harry Kane oo ku guuleystay Kobta Dahabka ah ee gooldhalinta EPL, rikoor ayuuna dhigay

0
650

Weeraryahanka kooxda Tottenham ayaa xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah ku guuleystay Kobta Dahabka ah ee abaalmarin ahaanta loo siiyo gooldhaliyaha xilli ciyaareed kasta ugu sarreeya horyaalka England Premier League.

Kane ayaa 29 gool ka dhaliyey horyaalka England Premier League xilli ciyaareedkaan, wuxuuna caawiyey 7 gool, sidaas ayuuna Kobta Dahabka ah ee gooldhalinta uga qaaday weeraryahanka kooxda Everton Romelu Lukaku, kaasoo 25 gool dhaliyey.

Labadiisii kulan ee ugu dambeysay wuxuu dhaliyey todobo gool taas ayaana ka caawisay inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horreeyey ee England ah ee laba jeer oo xiriir ah ku guuleystay Kobta Dahabka ah ee gooldhalinta horyaalka EPL tan iyo Michael Owen.

Kane ayaa 29kaan gool wuxuu ku dhaliyey keliya 30 kulan oo uu xilli ciyaareedkaan ka dheelay horyaalka Premier Leage. Tababarihiisa Mauricio Pochettino ayaana abaalmarintaan guddoonsiiyey waqti yar ka dib dhammaadkii ciyaartii ay xasuuqeen Hull City.

Kaalinta 3aad waxaa ku dhammeystay Alexis Sánchez oo Arsenal ah kaasoo dhaliyey 24 gool, halka afaraad uu galay Diego Costa oo Chelsea ah kaasoo dhaliyey 20 gool oo horyaalka Premier League ah xilli ciyaareedkaan.

Sidoo kale Serigo Aguero ayaa 20 gool dhaliyey, halka Delle Alli uu dhaliyey 18 gool, Zlatan Ibrahimovic ayaa keensaday 17 gool, Eden Hazard oo kooxda Chelsea ahna 16 gool ayuu dhaliyey.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan