VIDEO QOSOL LEH: Tababare Carlo Ancelotti oo la yimid xirfad ka baxsan kubadda cagta, heesaana isku bedelay, sidee ayey wax u dheceen?

0
724

Tababarihii hore ee kooxaha Juventus, AC Milan, Chelsea, PSG iyo Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa wuxuu muujiyey inuu dunidaan ka qaban karo shaqo kale oo aan aheyn tababarenimo, wuxuu la midoobay fannaanadda heesaha raabka Anastacia isagoo hees macaan ku qaaday codkiisa.

Kooxda Jarmalka ah Bayern Munich ayaa ku guuleysatay koobkeedii shanaad ee Bundesliga oo xiriir ah, waxayna fiidnimadii Sabtidii dhigatay xaflad gaar ah, halkaas ayuuna tababarihii hore ee Chelsea ku muujiyey inuu qaban karo dhowr shaqo oo kala duwan. Wuxuuna fannaanadda heesaha raabka Anastacia uga yaabsaday hees uu miraheeda iyo muusiggeeda leeyahay fannaanka Eros Ramazzotti.

Anastacia ayaa arrintaan oo dhan u sabab aheyd maadaama ay macalinkaan masraxa ugu yeertay, ka dibna tababaraha u dhashay dalka Italy ayaa hees macaan martida ku madadaaliyey.

Anastacia ayaa xitaa la yaabtay xirfadda halyeeyga AC Milan. Sidoo kale xiddigaha kooxda Bayern Munich ayaa ku qoslayey, oo ay xitaa ku jiraan halyeeyada ciyaaraha ka fariistay Philipp Lahm iyo Xabi Alonso.

Halkaan hoose ayaadna ka daawan kartaa muuqaalka heestaas iyo qaabka uu tababarahaani u qaaday.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan