Antoine Griezmann oo inta badan mustaqbalkiisa kala caddeeyey, wuxuuna qishay kooxda uu ku biirayo iyo xilliga la go’aamin doono mustaqbalkiisa

0
1781

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa wuxuu qaab maldahan uga dhawaajiyey inuu ku biiri doono kooxda weyn ee Manchester United marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub xagaagaan.

Horraantii bishaan May, majaladda Daily Mail ee dalka England ayaa daaha ka qaaday inay Man United xiiso daran u qabto saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka France, laakiin guud ahaan heshiiskiisu uu ku kici doono 155 milyan oo ginni marka la isku daro lacagaha ay kusoo iibsan doonto iyo mushaarka uu ku qaadan doono qandaraas shan sanno ah.

Griezmann ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka mid noqdo ciyaartoyda ugu mushaarka badan horyaalka England Premier League, iyadoo Man United ay Isbuucii siin doonto 295 kun oo ginni.

Qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa Atletico Madrid ayaa waxaa la aaminsan yahay inuu yahay 80 milyan oo ginni. 26 sanno jirkaan Griezmann ayaana wuxuu Isniintii la hadlay showga Quotidien ee sida weyn looga daawado dalka Faransiiska, isagoo ka warbixiyey mustaqbalkiisa.

“Waxaan u maleynayaa in mustaqbalkeyga lagu go’aamin doono muddo laba Isbuuc ah, waana labada Isbuuc ee soo aadan,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Antoine Griezmann.

Markii wax laga weydiiyey haddii ay Man United noqon doonto kooxda uu ku biirayo, wuxuu hadalkiisa ku daray: “Waa macquul, waxaana fursad ahaan u siin karaa Man United inay 10 meelood lix meel fursad u heysato saxiixeyga.”

Markii wax laga weydiiyey haddii uu sii joogi karo kooxdiisa Atletico Madrid, wuxuu ku jawaabay Griezmann: “Waxaa jirta fursad 10 meelood 7 meel ah oo aan kusii ahaan karo Atletico Madrid”.

Waxaa la fahamsan yahay inay Man Utd gacanta kusoo dhigi doonto xiddigaan ku guuleystay abaalmarintii gooldhalinta Euro 2016, haddii ay Arbacada finalka UEFA Europe League ku garaacdo kooxda Ajax, una soo baxdo tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo aadan.

Griezmann oo lambarka 7aad u xirta kooxdiisa iyo xulkiisa qaranka France ayaana wuxuu daaha ka qaaday inuu ku daydo David Beckham halyeeyga Manchester United iyo xulka England kaasoo xiran jiray lambarka 7aad.

Waqti yar ka dib markii uu Griezmann bixiyey wareysigaan wiilka ka yar ee lagu magacaabo Theo oo ah taageere Man Utd ah, ayaa la wadaagay macaamiishiisa Twitter, wuxuuna saaray calaamadda weji qoslaya.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan