Chelsea iyo Bayern Munich oo wadnaha jaray Jose Mourinho, waa lagu dhagan yahay

0
2346

Kooxaha kubada cagta ee Chelsea iyo Bayern Munich ayaa waxa ay dhankooda kusoo biireen kooxaha doonaaya saxiixa xiddiga difaaca kaga ciyaaro kooxda Tottenhan Klye Walker sida uu manta qoray wargeyska Express Sports.

Kooxda Manchester united ayaa  xiisaynaysa xiddigaan in ay Tottenham kaga bedeshaan daafac bidix ee Luke Shaw.

Laakiin waxaa la rumaysay yahay in ay tartanka kusoo biirtay kooxda ku guulaysatay horyaalka Ingiriiska ee Chelsea.

Sidoo kale kooxda Bayern Munich ayaa rabta Walker oo 26 jir ah kaasoo loo arkayo bedelka ninka ciyaaraha ka fariistay ee Phillipe Lahm

Kooxda Tottenham ayaa horay u sheegtay in xiddigaan ay ku fasixi doonto kaliya lacag badan haddii uu ka tagayo kooxda.

Manchester United ayaa wakiilo u direysa Tottenham, si ay ula meel dhigaan xaalada lagu heli karo Klye Walker, laakiin dagaal ayay ka filanayaan kooxaha Chelsea iyo Munich.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan