FAALLO: Lix ciyaaryahan oo Man Utd ah oo aan ku faraxsaneyn imaanshiyaha Antoine Griezmann

0
2559

Taageereyaasha Manchester United ayaa si weyn u aaminsan inuu weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann xagaagaan imaan doono garoonka Old Trafford haddii ay kooxdoodu usoo baxdo tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo aadan.

Antoine Griezmann wuxuu ka mid yahay weeraryahannada ugu wanaagsan Yurub, shaqsi kasta ayaana ku farxi doona marka uu yimaado Man Utd sababtoo ah kooxdaan ayuu ka dhigi karaa mid guulo ku tallaabsata xilli ciyaareedka soo aadan.

Laakiin waxaan soo saari doonaa lix ciyaaryahan oo kooxda Man United ah oo aan ku farxi doonin imaanshiyaha Griezmann ee Manchester United sababtoo ah xirfaddooda kooxda ayaa soo dhammaaneysa maadaama uu fursadahood ameesha ka saari doono, sida ay qortay majaladda The Metro ee dalka Ingiriiska.

Liiskaan waxaa ugu horreeya kabtan Wayne Rooney kaasoo durba xilli ciyaareedkaan ka mid noqday xiddigaha ugu xun kooxda ka dhisan Old Trafford isla markaana Isbuucii mushaar ahaan u qaata ku dhowaad 300 kun oo ginni.

Shaqsiga labaad waa kubadsameeyaha reer Spain Juan Mata, kaasoo ay isku boos ka ciyaaraan Griezmann maadaama uu xiddiga Faransiiska ah hal abuure yahay kana gooldhalin badan yahay Mata, sidoo kale xitaa wuxuu Mata kala bixi karaa booska weerarka midig ee uu u isticmaalo tababare Jose Mourinho.

Kan seddaxaad waa Faransiiska weerarka ka ciyaara Anthony Martial, xagaaagii lasoo dhaafay ninkaan si weyn ayaa loo niyadjebiyey markii maaliyaddiisa lambarka 9aad la siiyey Zlatan Ibrahimovic, waxaana ay ka muuqatay xilli ciyaareedkaan oo qaab ciyaareedkiisu uu hoos u dhacay. Waxay u badan tahay inuu booskiisa joogtada ah weyn karo haddii uu Griezmann kusoo biiro Man Utd.

Jan afaraad waa weeraryahanka reer England Jesse Lingard, ninkaan markii horeba cago badan kuma taagneyn, wuxuuna wajihi doonaa boos la’aan kulamo badan ah, sabbatoo ah taageerada uu u hayo tababare Mourinho ma caawin doonto maadaama dagaal badan oo ka bilaaban doono boosaska qadka dhexe ee weerarka iyo garbahaba.

Kan shanaad waa kubadsameeyaha reer Armenia Henrikh Mkhitaryan,  ninkaan wuxuu ugu caawinaad badnaa horyaalka Bundesliga ee dalka Germany xilli ciyaareedkii 2015 illaa 2016, balse markii uu Man Utd yimid garab ayuu isku bedelay. Griezmann ayaana garabkiisa ku qabsan kara wuuna kaga tayo badan yahay booskaas.

Shaqsiga ugu dambeeya waa weeraryahanka reer England Marcus Rashford, haddii uusan ka faa’iideysan fursadaha la siinayo ee weerarka tuuran, Mourinho markaas dulqaadka uu u hayo Rashford ayaa ka dhammaan kara, booska Zlatan Ibrahimovic wuxuu si rasmi ah ugu dabooli doonaa Griezmann haddii uu markaas goolal badan dhaliyana, Marcus Rashford keydka ayey isbaran doonaan.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan