VIDEO QARAAXO LEH: Goorma ayaa koobka La Liga la siinayaa Real Madrid, maxayse sameeyeen Gareth Bale iyo Luka Modric markii ay arrinkaan ogaadeen?

0
2957

Xiddigihii hore ee kooxda Tottenham Hotspurs Gareth Bale iyo Luka Modric ayaa wejigooda waxaa laga arki karay dareen aysan cidna qiyaasi karin inta uu la yaab xambaarsan yahay ka dib markii loo xaqiijiyey in aysan sarre u qaadi doonin koobka horyaalka La Liga illaa sannadka soo aadan.

Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka horyaalka La Liga Axadii markaasoo ay 2-0 uga badiyeen kooxda Malaga, goolashana waxaa u dhaliyey Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema, laakiin Los Blancos oo ku guuleysatay koobkeedii ugu horreeyey ee La Liga tan iyo 2012kii ma qaadi doonto koobka horyaalka illaa bilowga xilli ciyaareedka soo aadan.

Wiilasha tababare Zinedine Zidane ayaana dabaaldeg ku sameeyey Estadio La Rosaleda, intii lagu jiray dabaaldeggaas xiddigihii hore ee kooxda Tottenham Hotspurs Gareth Bale iyo Luka Modric ayaa waxay u maleynayeen in koobka la guddoonsiin doono.

Laakiin ninka reer Wales iyo ninka reer Croatia ayaa loo sheegay in xeerka u yaalla dalka Spain uusan sidaas dhigeynin, ayna tahay inay sugaan koobka horyaalka La Liga illaa bilowga sannadka soo aadan.

Bale iyo Modric kama mid aheyn kooxdii Los Blancos ee horyaalka La Liga hanatay 2012kii. Arrintaan ayeyna la yaabeen, ninka reer Wales Bale ayaa xiriir la sameeyey Cristiano Ronaldo kaasoo sidoo kale u sheegay in aysan koobka heli doonin illaa sannadka soo aadan.

CR7 oo kasoo ciyaaray horyaalka England Premier League ayaana arrintaan ugu sharraxay Bale sida inay tahay wax lagu qoslo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAAL LAGA QABTAY WAQTIGAAS IYO SIDA UU DAREENKOODU AHAA?

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan