ISLA ILOW CHELSEA: Xarriirrka kubada cagta Chile oo kashifay kooxda uu ku biirayo Alexis Sanches

0
1861

Xarriirrka kubada cagta Chile ayaa si qaldan waxa ay ugu soo dareen liiska ciyaartooyda dalkaasi in xiddiga kooxda Arsenal Alexis Sanches uu ku biiray kooxda Bayern Munich

Sanches ayaa malmihii dhawaa waxaa si weyn loola xarririnaayay in uu ku biiraayo kooxda Bayern Munich, sidoo kale laacibkaan ayaa waxaa xiisaynaaya kooxaha Chelsea iyo Paris Saint-Germain ,Balse kooxda Arsenal ayaanan rabin in xiddigaan uu ka tago kooxda xilli ciyaareedkaan.

Xulka haysto Copa America ayaa isku diyaarinaaya koobka Confederation Cup oo ay kula ciyaari doonaan dalka Russia, Germany ,Australia iyo dalka Cameron.

Hadalkaan kasoo yeeray xarriirka kubada cagta Chile ayaa waxa uu ka careeysiiyay taageerayaasha kooxda Arsenal ee dalka Ingiriiska.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Arturo Vidal ayaa horey waxa uu usheegay in uu jeclaan lahaa in Sanches uu kula soo biiro kooxda Bayern Munich

Vidal ayaa yiri”waxaan jeclaan lahaa in uu Bayern yimaado, wax wanaagsan ayuu ka sameeyay kooxda Arsenal waxaan ku fikiraa in uu qaado tilaabo wanaagsan”.

“wali qandaraaskiisa waxaa uga dhiman hal sano, Qof walbo isaga waa uu rabaa sidaasi waxaa hadalkiisa kusii daray Vidal

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan