Majaladda Marca oo ogaatay mushaarka rasmiga ah ee uu Antoine Griezmann ka qaadan doono Man Utd, waa imisa?

0
1179

Majaladda Marca ee dalka Spain ayaa soo ogaatay mushaarka uu qaadan doono weeraryahanka reer France Antoine Griezmann marka uu ugu dambeyn xagaagaan ku biiro kooxda weyn ee Manchester United.

Warbxintaan ayaana sheegeysa inay kooxda Manchester United adduun lacageed dhan 14 milyan oo euros mushaar ahaan u siin doonto Antoine Griezmann sannad kasta.

Lambarka 7aad ee kooxda Atletico Madrid ayaa waxaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 100 milyan oo euros, waxaana saxiixiisa xiiso u qaba kooxo waa weyn oo Yurub ah.

Maamulka kooxda Los Rojiblancos oo uu ugu horreeyo tababare Diego Simeone ayaana daaha ka qaaday inay doonayaan inay ceshadaan xiddigooda muhiimka ah maadaama ay doonayaan inay ku hareer dhisaan koox xoogan oo Atletico Madrid ah mustaqbalka.

Balse Griezmann ma uusan qarsan sida uu xiiso ugu qabo inuu ku biiro Man Utd, inkastoo uu sharad kaga dhigay inay kooxdaani usoo baxdo tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo aadan, waana boos ay heli karto haddii ay caawa finalka UEFA Europa League uga adkaato kooxda reer Holland ee Ajax.

Real Madrid ayaa sidoo kale ka mid ah kooxaha xiisaha u qaba Griezmann, laakiin diyaar uma ahan inay mushaar ahaan u siiso 14 milyan oo euros sannadkii marka canshuurta laga reebo sida Man Utd oo kale, majaladda Marca ee magaalada Madrid kasoo baxdo ayaana sidaas qortay.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan