Man City oo dooneysa inay dhabarka ka jebiso kooxaha Arsenal iyo Tottenham, laba xiddig oo muhiim ah ayey kasoo qaadaneysaa

39
3708

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay kalsooni ballaaran ku qabto inay qiimo lacageed dhan 100 milyan oo ginni kusoo xerogelin doonto laba xiddig oo muhiim u ah kooxaha Arsenal iyo Tottenham waana Alexis Sanchez iyo Kyle Walker.

Man City ayaa dooneysa inay dhabarka ka jebiso kooxaha kula xifaaltama horyaalka England Premier League, waxayna xagaagaan lasoo wareegeysaa Alexis Sanchez iyo Kyle Walker, iyadoo heshiiskoodu uu wadar ahaan ku kacayo 100 milyan oo ginni, sida laga soo xigtay majaladda Daily Mirror.

Tababaraha kooxda Citizens Pep Guardiola ayaa u sheegeya maamulka kooxdiisa in labada saxiix ee ugu muhiimsan ay noqon doonaan gooldhaliyaha Arsenal Sanchez iyo daafaca dambeedka midig ee Tottenham Walker, kuwaasoo uu aaminsan yahay inay kooxdiisa ka dhigi karaan mid u tartanta hanashada koobka EPL xilli ciyaareedka soo aadan.

Sanchez ayaa 12 bilood uga harsan tahay qandaraaskiisa kooxda Arsenal waxaana laga yaabaa inay iska iibiso Gunners maadaama uu xiddiga heerka caalami ee dalka Chile iska diiday inuu saxiixo qandaraas uu Isbuucii 250 milyan oo ginni uga qaadanayo FLY Emirates Stadium.

Dhanka kale, daafaca dambeedka midig ee Tottenham Hotspur Walker ayaa lagu soo xan waramayaa inay isku dheceen tababarihiisa Mauricio Pochettino. Majaladda Daily Mirror ayaana sheegeysa in laga yaabo inuu xagaagaan u wareego kooxda ka dhisan Etihad Stadium.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

39 Fikradaha Akhristayaasha

  1. I really liked your ideas on the local article marketing. I do have a quick question, where did you get the stat “But when you consider 80% of people performing a search in Google click on the free organic results in preference to paid advertising, and 50%-60% of those click on one of the top three entries”. We manage numerous websites, and I am seeing analytic numbers that are closer to 60% paid advertising versus 40% Organic (website and local listings). What are your thoughts?

  2. Onur Air özür diledi ancak hatasında ısrar ediyor. Yanlış anlaşılma sebebi ile özür diliyor. YANLIÅž yaptıkları için özür dilemeleri gerekiyor. Pazarlamayı Pazarcılıkla karıştırıp Sosyal medya pazarlamayı her ÅŸeyle karıştırıyorlar. Yapılan ayıp sadece depremzedelere karşı deÄŸil. Yaptıkları sadece insanların vicdanını sömürmek deÄŸil. Bu entry Onur Air’in nasıl acemice SM kanallarını kullandığının açık bir örneÄŸi. Bir de yapılan yorumları silmeleri var ki yapılabilecek en büyük yanlışlardan biri.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan