Man United, Man City & PSG oo ku dagaalamaya goolhaye 15jeer shabaqa difaacday xili ciyaareedkaan

0
1099

kooxda PSG ayaa miiska waxa ay usoo saartay Atletico Madrid 52 million oo ay kaga doonayso goolhayahooda Jan Oblak.

xiddigaan reer Slovenia ayaa waxaa la fahansan yahay in uu bartilmaameed u yahay kooxo badan oo ay ka mid yihiin Manchester city iyo Manchester United.

labaada kooxood ayaasuuqa waxa ay ka raadinayaan goolhayayaal cusub, Manchester United ayaa qatar ugu jirta in ay lumiso David De Gea halka City weli aysan helin goolhaye la isku haleyn karo.

City ayaa ku fashilantay saxiixa goolhayihii hore ee Barcelona Claudio Bravo, kaasoo dooqa labaad ee kooxda noqday xili ciyaareedkaan.

France football ayaa shaacisay in Kooxda PSG markii ugu horreeyay ay dalab rasmi ah ka gudbisay 24 jirka shabaqa u ilaaliya kooxda Atletico Madrid Jan Oblak.

Oblak ayaa xilli ciyaareedkaan waxa uu sameeyay rikoor kadib markii 15 kulan shabaqa uu ilaashaday horyaalka La liga.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan