Antonio Conte oo jawaab cad u diray kooxda Inter Milan ka hor finalka FA Cup, muxuuse yiri ninka u dhashay Italy?

37
5389

Antonio Conte ayaa wuxuu ballan qaaday inuu saxiixi doono qandaraas walba oo ay miiska usoo saarto kooxdiisa Chelsea, inkastoo ay xiiso xoogan u qabto kooxda Inter Milan si ay tababarahaan dib ugu celiso dalkiisa Italy.

Kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A ee Inter Milan, oo dooneysa inay markale ka mid noqoto kooxaha ugu xoogan Yurub ayaa isha ku heysay saxiixa tababare Conte, ka dib markii milkiyadda kooxdaan ay la wareegeen shirkadda China laga leeyahay ee Suning Group.

Hase yeeshee, tababarihii hore ee kooxda Juventus iyo xulka Italy wuxuu diyaar u yahay inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda ka dhisan Stamford Bridge, isla markaana uu xilli ciyaareedka soo aadan si dhab ah ugu tartamo hanashada koobka UEFA Champions League.

Conte ayaa saxaafadda u sheegay ka hor finalka FA Cup ee ay Sabtida ku wajahayaan kooxda Arsenal: “Waqti xaadirkaan mustaqbalkeygu waa mid aad u cad. Laba sanno ayaa iiga harsan qandaraaska aan kula jiro Chelsea.

“Haddii ay kooxdu dooneyso inaan muddo intaas ka badan halkaan sii joogo oo aan qandaraaska u kordhiyo, waa hubanti inaan saxiixi doono qandaraas walba oo la iisoo bandhigo. Sababtoo ah aad ayaan ugu faraxsanahay Chelsea waxaana doonayaa inaan sannado badan halkaan sii joogo”.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

37 Fikradaha Akhristayaasha

  1. Ioana, chiar tu altceva mai bun de facut nu ai? Zau asa, sper ca ti-ai dat seama cat de penibila esti! Laura, iti multumesc ca ai stat sa cauti linkurile pozelor mele postate pe fooodgawker si tastesoptting si sa explici cuiva care chiar nu merita timpul tau :*VA:F [1.9.21_1169]please wait…VA:F [1.9.21_1169](from 0 votes)

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan