Inter Milan oo si la yaab leh ula wareegeysa laba xiddig oo Real Madrid ah, waana dhabarjabka Man Utd iyo Chelsea

0
1432

Labada ciyaaryahan ee kooxda Real Madrid James Rodriguez iyo Pepe ayaa laga yaabaa inay ku biiraan kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga ka hor xilli ciyaareedka soo aadan.

Wararka kasoo baxaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in daafaca dambeedka dhexe Pepe oo uu qandaraaskiisa kooxda Los Blancos dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkaan uu isha ku hayo inuu u dhaqaaqo kooxda Inter Milan.

Hase yeeshee, Real Madrid ayaa dooneysa inay qandaraaska u kordhiso daafaceeda mashiinka ah, balse Inter Milan waxay kusoo jiidaneysaa mushaar waalli ah iyo qandaraas laba sanno ah.

Dhanka kale, xaaladda kubadsameeyaha reer Colombia ee James Rodriguez waa mid isku qasan, xiddigaan waxaa laga doonayaa horyaalka England Premier League, waxaana xiiso xoogan u qaba kooxaha Manchester United iyo Chelsea.

Laakiin Inter Milan oo ka mid ah kooxaha ugu jeebka buuran horyaalka Serie A ayaa diyaar u ah inay saxiixiisa kula dagaalanto Man United iyo Chelsea, waxayna diyaar la tahay qiimo walba oo ay dalbato Los Blancos.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan