XOG HORDHAC AH: Man Utd oo kalsooni badan ku qabta saxiixa Antoine Griezmann, maxayse sameyn doontaa si ay u hesho?

0
1064

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay kusii dhowaaneyso soo xerogelinta xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Tababare Jose Mourinho ayaa xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska wuxuu ka dhigtay bartilmaameedkiisa koowaad ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaagaan.

Man Utd ayaa xitaa dooneysa inay bixiso 86da milyan oo ginni ee lagu burburin karo qandaraaska Griezmann, si ay gacanta ugu soo dhigto weeraryahankaan, iyadoo mustaqbalka Zlatan Ibrahimovic iyo Wayne Rooney ee Man Utd uu shaki weyn ku jiro.

26 sanno jirkaan ayaa cusbo ku daray wararka la xiriirinaya kooxda ka dhisan Old Trafford Isbuucaan markii uu caddeeyey inay Man United 10 meelood lix meel fursad u heysato saxiixiisa. Sidoo kale wuxuu muujiyey in laga yaabo inuu iska sii joogo Atletico Madrid maadaama uu koobab kula guuleysan karo.

Laakiin Man Utd waxay xiddigaan kusoo jiidaneysaa ka ciyaarista tartanka UEFA Champions League ee xilli ciyaareedka soo aadan, sidoo kale tababare Jose Mourinho iyo maamulka Man Utd ayaa kalsooni weyn ku qaba inay saxiixiisa hubin karaan xagaagaan iyagoo bixin doona 86da milyan oo ginni ee qandaraaskiisa ay ku xidhay kooxdiisu.

Majaladda The Independent ee dalka Ingiriiska ayaana sheegeysa in shirkadaha ku xiran Griezmann sida shirkadda Beats ay rajeyneyso inuu heshiiskaani meelmaro, sidoo kale waxaa jira shirkado dhanka xayeysiinta ah oo doonaya inuu heshiiskaani meelmaro sida ugu dhaqsaha badan.

Warbixintaan ayaana sheegeysa in laga yaabo in uusan goolhaye David De Gea ka tegin kooxda Man United xagaagaan si uu ugu biiro kooxda Real Madrid.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan