WARBIXIN: Qorshaha suuqa Inter, Madrid, Chelsea, Munich & Man Utd oo isku xiran, Saddex xiddig oo bartilmaameed u ah, xili James Rodriguez, Pepe iyo David de Gea tagayaan

0
2772

James Rodriguez iyo Pepe ayaa qarka u saaran in ay ku biiraan kooxda Inter Milan sida uu sheegay wargeyska SportItalia.

wargeyska Talyaaniga ayaa sheegay in labada ciyaaryahan ee Real Madrid wakiilkooda Jorge Mendes uu la kulmay masuuliyiinta kooxda ka dhisan Serie A.

Inter Milan ayaa waxaa la wareegay milkiilayaal Shiinaha kasoo jeeda, waxaa lagu wadaa in ay suuqa kala iibsiga geliso daqligii ugu badnaa xili ciyaareedka dambe.

Madrid iyo Nerazzurri ayaa sidookale isha kuwada haya ciyaartooyda kala ah, Di Maria, Radja Nainggolan iyo Antonio Rudiger.

Laakiin Tababaraha kooxda Chelsea, Antonio Conte ayaa dhankiisa u doonaya kooxda ka dhisan Premier League qeyb kamid ah ciyaartooydaan.

Pepe ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo China, kadib marka heshiiska daafaca reer Portugal ee kooxda Bernabeu uu dhaco dhamaadka xili ciyaareedkaan.

Daafaca Los Blancos ayaa sidookale xiiso u qaba kooxaha ka dhisan England ee Chelsea iyo Manchester United.

Dhanka kale, mustaqbalka James Rodriguez ee Real Madrid ayaa shaki badan uu kujiraa, ninka Reer Colombia ayaa si joogta ah ugu ciyaarin kooxda Zinedine Zidane xagaagan, waxaana lala xiriirinayaa kooxaha Chelsea iyo Manchester United, halka Bayern Munich sidookale xiiso u qabto.

Inter Milan ayaa wadahadalo kula jirta Real Madrid si ay kaga dhaadhiciyaan iibinta James Rodriguez, halka sidoo kale Pepe uu qarka usaaran yahay inuu saxiixo heshiis saddex sanno ah.

Kooxda reer Spain ayaa lagu soo waramayaa in ay ku iibinayaan James kaliya lacag dhan € 75 milyan, tasoo caqabad weyn ku ah kooxaha doonaya ciyaaryahanka.

Pepe ayaa lagu heli karaa lacag la’aan , waxaana wargeyska SportItalia uu sheegay in uu ku dhawyahay dhameystir heshiiska uu ugu daqaaqayo Inter Milan.

Real Madrid ayay u badan tahay in ay go,aan ka garto mustaqbalka labada ciyaaryahan kadib finalka UEFA Champions League oo ay ku wajahayaan kooxda Juventus.

Inter Milan ayaa dagaal xoogan kala kulmeysa macalin Jose Mourinho oo doonaya in ciyaaryahanka uu ka qeyb noqdo heshiiska David de Gea uu ku tagayo Bernabeu.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan