QORSHE WAALI AH: Barcelona oo mid kamid ah weerarka MSN ka iibineysa PSG si ay dhankooda u helaan Marco Verratti

0
2982

Iyadoo Barcelona si Geesinimo Badan ugu raad joogto ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Paris Saint-Germain Marco Verratti, ayaa haddana Madaxweynaha kooxda PSG Nasser Al-Khelaifi, waxa uu sheegay in uusan iib aheyn xiddigooda,

Yahoo Sports ayaa sheegaya in kooxda reer Catalan laga yaabo in ay iska iibiyaan Neymar si uu qayb kaga noqdo heshiis isku bedelasho cajiib ah oo Verratti ku xiranayo maaliyada Blaugrana xagaaga soo socda.

Neymar, ayaa ah wadnaha xusuusta Barcelona ee kulankii PSG tartanka UEFA Champions League wareegiisa 16-ka, Laakiin waxaa lagu wadaa inuu isaga dhaqaaqo kooxda Barcelona marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Manchester United ayaa sidookale dagaal xoogan ugu jirta sidii ay ku heli laheyd saxiixa ciyaaryahanka reer Brazil, kaasoo ay doonayaan in ay ka dhigaan ninka dunida ugu qaalisan.

Iyadoo PSG ay ku fashilmeen horyaalka France , Al-Khelaifi ayaa doonaya is bedel xoog leh lagu sameeyo kooxda ka hor bilowga xili ciyaareedka soosocda.

kooxda reer Farance ayaa dagaal ugu jirta in ay kamid noqoto kooxaha ugu waaweyn horyaalada Yurub, madaxweynaha kooxdan ayaana doonaya in aysan lumin jawharada Talyaaniga ninka lagu naynaaso ee Marco Verratti.

Marco Verratti si uu u yimaado kooxda Barcelona, Catalan ayaa dooneysa in ay lumiso Neymar oo kamid ah weeraryahanada muhiimka ah ee kooxda Bulgrana.

Ninka reer Brazil waa ciyaaryahanka seddexaad ee ugu qiimaha badan adduunka, laakiin baahida ay u qabto Barcelona Marco Verratti ayaa keeneysa in PSG lacag + Verratti isugu darto Barcelona si ay kaga helaan Neymar oo kaliya.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan