RASMI: Xiddigii bartilmaameedka u ahaa Man United ee Kevin Strootman oo heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa Roma + Sawirro

0
590

 

Laacibka qadka dhexe ee bartilmaameedka u ahaa kooxda Manchester United ayaa heshiis cusub oo shan sanadood ah qalinka ugu duugay kooxdiisa Roma ee dalka Talyaaniga.

Roma ayaa gacanta u galisay laacibkeeda Kevin Strootman heshiis cusub oo shan sanadood ah, kaasoo garoonka Stadio Olimpico ku sii hayn doona ilaa sanadka 2022-ka.

27-sano jirkaan Strootman ayaa 33-kulan oo horyaalka ah u saftay kooxdiisa Roma xilli ciyaareedkan, iyadoo la xusuusto in kaliya 11 kulan uu u ciyaaray labadii xilli ciyaareed ee kan ka horreeyey kaddib dhaawacyo hareeyey.

Waxa uu kaga soo biiray naadiga Serie A ka dhisan kooxda PSV sanadkii 2013, heshiiska lagula soo wareegay markaas ayaana lagu sheegay adduun dhan €19 milyan oo euro.

Strootman ayaa hadda go’aansaday inuu shanta sanado ee soo aaddan guulo la qaato kooxdiisa Roma ee dalka Talyaaniga, waxaana markii uu heshiiska saxiixay kaddib uu xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu sii joogo kooxda.

Kooxda Roma ayaa u soo baxday xilli ciyaareedka soo socda Champions League heerkiisa guruubyada, kaddib markii ay 3-2 uga badisay Genoa Axaddii, Strootman ayaana kulankaas ciyaaray 90-ka daqiiqo.

Sidoo kale Strootman ayaa 32 kulan u saftay xulkiisa qaranka Netherlands tan iyo markii uu xulkiisa u ciyaaray kulankiisii ugu horreeyey sanadkii 2011-kii.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan