Kooxda Bayern Munich oo doonaysa saxiixa xiddiga Chelsea ee Willian… (Miyey u badan tahay inuu ka tago Blues?)

0
543

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa xiiseynaysa saxiixa xiddiga garabka uga  ciyaara naadiga Chelsea ee Willian, sidaas waxaa warinaya Wargeysyada Jarmalka ka soo baxa gaar ahaan warsidaha Abendzeitung.

Saxaafadda Jarmalku waxa ay leedahay tababare Carlo Ancelotti ayaa u dhaqaaqi doona soo xero gelinta xiddigan 28-sano jirka kaddib markii ciyaaryahanka reer Barzil uu ku guuldarreystay inuu boos joogto ah ka helo shaxda tababare Antonio Conte xilli ciyaareedkii dhammaaday.

Maamulka kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa Willian u arka inuu yahay bedelka ku habboon xiddigahooda Ribery iyo Robben kuwaasoo da’du ay daba hayso.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in loo badinayo in Willian uu isaga dhaqaaqi doono kooxda Chelsea marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha, maadaama ay adag tahay inuu boos joogto ah ka helo xilli ciyaareedka dambe kooxda uu hoggaamiyo tababare Antonio Conte.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan