Xiddig horay ugu soo ciyaaray Tottenham oo ka jawaabay eedeymaha la xiriira inuu jilli doono aflaanta galmada ah

0
1831

Daaficii hore ee kooxda Tottenham Hotspur Benoit Assou-Ekotto ayaa wuxuu daaha ka qaaday in loo soo bandhigay dalab ah inuu jillo aflaanta galmada, intaas wixii ka dambeeyey wuxuu ku fikiray inuu ka fariisto kubadda cagta isla markaana uu noqdo xiddig sameeya aflaanta galmada ah.

Si kastaba ha ahaatee, daafaca u dhashay dalka Cameroon Benoit Assou-Ekotto ayaa goordambe maankiisa bedelay, wuxuuna haatan qirtay in uusan qorsheyneyn inuu sameeyo aflaanta galmada ah, maadaama uu ku faraxsan yahay inuu sii ahaan doono xiddig ciyaara kubadda cagta.

Assou-Ekotto oo ku dhashay dalka Faransiiska ayaa wuxuu daaha ka qaaday in dalabyada uga imaanaya shirkadaha sameeya aflaanta galmada ah uu sarre usii kacay tan iyo markii tababarihiisii hore ee kooxda Tottenham Harry Redknapp uu daaha ka qaaday inuu Benoit Assou-Ekotto doorbidi lahaa ka fariisashada kubadda cagta si uu u jillo aflaanta anshax xumada ah, taasoo aheyd arrin kaftan ah.

33 sanno jirkaan oo haatan lagu heli karo beeca xorta ah ka dib markii uu kasoo tegay kooxda Metz ee dalka Faransiiska, ayaa waxaa baadigoobeysa kooxda Birmingham City ee uu maamulo tababarihiisii hore ee kooxaha Spurs iyo QPR ee Harry Redknapp.

Assou-Ekotto oo ka jawaabayey hadalkaan muranka dhaliyey ee xirfaddiisa ku saabsan ayaa u sheegay majaladda France Football: “Gabar ku sugan dalka England ayaa Twitter igala soo hadashay, ka dibna waxay ii sheegtay arrin aan la yaabay.

“Waxay ii sheegtay in macalinkeygii hore Redknapp uu wareysi siiyey bandhig England laga daawado isla markaana uu si kaftan ah u sheegay inaan doorbidi lahaa inaan noqdo xiddig aflaanta galmada ah bedelkii aan ciyaari lahaa kubadda cagta.

“Waan ku qoslay, ka dibna Maalinta Hooyooyinka dalka Faransiiska, hooyadeey ayaa aragtay muuqaalkaas. Waxayna iiga digtay arrintaan, iyadoo ii sheegtay inay doorbidi laheyd inaan hadiyad kale u keeno Maalinta Hooyooyinka Dalka Faransiiska. Laakiin aniga ahaan aad ayey iigu adag tahay inaan noqdo xiddig aflaanta galmada ah”.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan