Ciyaartooyda Atletico Madrid oo hilfaha u qaaday bartilmaameedka United Antoine Griezmann

0
2210

Xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Atletico Madrid Saul Niguez ayaa aaminsan in  kooxda ay helli karto badalka xiddiga sida weyn loola xarrinaayo in uu isaga tagayo kooxda Antoine Griezmaan.

Xiddigaan ayaa waxaa siweyn uu bartilmaameed ugu yahay tababaraha  kooxda Manchester United Jose Mourinho, isagoona raba in uu qeyb ka noqdo ciyaartooyda uu la soo shirtagi doono xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Saul  ayaa aaminsan in Griezmann uu yahay ciyaaryahan muhiim u ah kooxda, Balse uusan aheyn ciyaaryahan aan booskiisa la badali Karin isagoona sheegay in ay kooxda haysato ciyaartooy wanaagsan oo kooxda bad baadin kara.

“haddii uu tago Griezmann waxa aynu haysanaa Fernando Torres, Kevin Gameiro, Angel Correa iyo Yannick Carassco.”sidaasi waxa uu usheegay majalada Marca ee Spain kasoo baxda.

‘waa ciyaaryahan noo muhiim ah anaga, waa aynu naqaanaa tayada uu leeyahay isaga. Balse waxaa muhiim ah in  ciyaaryahan kasareeya ciyaaryahanada  kooxda uusan jirin.

Saul Niguiz ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay go’aanka uu gaaro Griezmaann, waxa uuna sheegay in ay ka war sugayaan mustaqbalkiisa halka uu ka ciyaari doono.

Xiddigaan reer French ayaa xilli ciyaareedkaan waxa uu kooxdiisa udhaliyay 26 gool dhammaan tartamadoo ioo dhan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan